Caawimo Dhaqaale
Inta badan dadka reer Minnesota ee iska diwaangeliya MNsure waxay u qalmaan caawimo dhaqaale.
Markaad ka codsato adiga oo u maraya MNsure oo aad doorato arjiga LEH kaalmo dhaqaale, waxaad ogaan doontaa caymiska caafimaad ee aad u qalanto iyo haddii aad heli karto wax gargaar dhaqaale ah oo aad ku bixiso.
Waxaad ogaan doontaa in aad u qalanto:
- Dhibcaha cashuur ugu celinta ee hoos u dhigaya khidmadaha bishii ee qorshayaasha caymiska caafimaadka gaarka ah
- Raqiisin kharash-wadaag ah si loo yareeyo kharashaadka jeebka laga bixinayo sida hor-u-bixinta (deductible) iyo qayb-bixinta
- Caymis bilaash ah ama mid qiimo jaban oo loo marayo Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare
Hel qiyaasid degdeg ah si aad u aragto in aad u qalmi karto caawimo maaliyadeed oo ku salaysan tirada iyo dakhliga qoyskaaga:
Hel Caawimo Bilaash ah
Waxaad ku heli kartaa caawimo bilaash ah luqadaada aad doorbidayso oo uu kugu caawiyo khabiir wakhti kasta inta hawsha lagu jiro.